Monday, February 09-2026
Iyadoo laga duulayo geeddi‑socodka shaqo ee Kulliyada himilooyinka horumarineed iyo isbeddellada degdegga ah ee ka socda Kulliyadu Ayaa Maamulku waxay qaateen tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim ah taas oo ah mid aan horey loo hirgelin. Tallaabadan ayaa salka ku haysa in si nidaamsan oo hufan loo qiimeeyo Agaasimeyaasha Waaxyaha si loo ogaado heerka waxqabadkooda awoodda hoggaamineed iyo sida ay uga qayb qaadanayaan horumarinta tayada waxbarasho iyo tan maamul Ee Kulliyada.
Hadaba Hoolka Smart Roomka Waxaa Maanta Ka Furmay Shirka qiimaynta warbixinta waxqabadka 6-dii bilood Ee sannad miisaaniyeedka 2018-ka T.I Ee Waaxyaha Kulliyada.
Waxaana Qiimayntan Goob-Joog ahaa Masuuliyiinta Kulliyada oo u ugu horeeyo Mareeyaha Kulliyada Mudane:- Mahamed Ali Ayanle.Mareeye Ku-xigeenka Qaybta Maamulka iyo Maaliyada Mudane:- Badri C/Nuur C/Laahi. Mareeye Ku-xigeenka Qaybta waxbarashada iyo Daraasaadka Mudane:- Cabdullaahi Cabdi Nuur.
Qiimayntani waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta isla‑xisaabtanka dhiirrigelinta kartida shaqaalaha hagaajinta geeddi‑socodka shaqo iyo hubinta in Waaxyaha Kulliyadu ay la jaanqaadaan yoolalka iyo istiraatiijiyadda guud ee Kulliyada.